Fulinta qorshaha sugida amniga Muqdisho oo laga shiray

Image
Gudoonka gobolka Banaadir iyo taliska ATMIS ayaa qadiyadan ka yeeshay kulan gaar ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, ahna Madaxa howlgalka (ATMIS) ee ciidanka Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya Danjire Maxamed Al-Amiin Souef.

Kulanka dhex maray Duqa Magaalada Muqdisho iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa loogu hadlay xoojinta wada shaqeynta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Howlgalka ATMIS, sidoo kale fulinta Qorshaha sugida Amniga Caasimadda iyo guud ahaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ee ka socda dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku ammaanay Midowga Afrika (ATMIS) doorka ay ka qaateen horumarka iyo Ammaanka Soomaaliya, iyagoo u huray dhiigooda iyo Naftooda.

Danjire Souef ayaa xusay in ATMIS ay sii wadi doonto taageeradooda ku aadan ciribtirka Khawaarijta iyo dardargalinta howlgalada ka socdo dalka, asigoona shacabka Soomaaliyeed ku amaanay garab istaaga howlgalada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ee ka socda dalka, taasi oo keentay in Ciidamada Xooga dalka ay guulo waaweyn gaaraan.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka (ATMIS) ayaa sheegay in ka hor December 2024 oo xilliga u qorsheesan in ay soo gaba-gabeeyaan howlgalkooda Soomaaliya, ay ka go’an tahay in Bulshada Soomaaliyeed ee kala shaqeeyaan Amniga iyo Barnaamijyada horumarinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM