Furitaanka Kalfadhiga 5-aad baarlamaanka Soomaaliya oo laga shiray

Image
Guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulan ka yeeshay ajendahan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu weheliyo guddoomiye Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa maanta yeeshay kulan wadatashi ah oo looga arrinsaday dardar galinta howlaha shaqo ee Baarlamaanka iyo furitaanka Kalfadhiga 5-aad oo ay horyaalaan shuruuc badan oo aas-aas u ah dowladnimada yo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

Kulanka waxaa kaloo goobjoog ahaa hab-dhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan iyo xoghayaha guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM