Furitaanka wadahadalka doorashada ee Muqdisho oo la muddeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxay ku dhawaaqdey in maalinta Khamiista ah uu furmi doono shir u dhaxeeya dowlada federaalka ah, shanta maamul goboleedyadda waddanka iyo Gobolka Banaadir.

Cabdinuur Maxamed Axmed, agaasimaha warfaafinta Villa Soomaaliya, ayaa ciwaanadiisa baraha bulshada wuxuu ku faafiyey in kulankaas uu qayb ka yahay wada-xaajoodyada arrimaha doorashooyinka.

"Waxaa Villa Soomaaliya ka furmaya Khamiis, 10ka Sebteembar shir ay u dhanyihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasoo lagu dhammeystirayo hanaanka doorashooyinka dalka, iyadoo uu saldhig u yahay heshiiskii Samareeb-3," ayuu tilmaamay.

Qabsoomida kulankaan guud ayaa ka dambeysay markii madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo ee Farmaajo uu ogolaadey shuruudo ay furitaanka kulankaan ku xireen hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland.

Shuruudaha ayaa kala ahaa; in ciidamada dowladda laga soo saaro gobolka Gedo iyo in ay kusoo biiraan madaxda maamulada kale.

Bishaan September 2-deeda waxaa baaqdey kulan lagu waday in ay Deni iyo Axmed Madoobe si wadajir ah ula yeesheen Farmaajo. Sababta dib-u-dhaca waxay si toos ah ula xiriirtay labadaas qodob.

Isla bishaan 5-teeda, wadahadalo kale oo ay Villa Soomaaliya ku yeesheen ayay is-faham kaga gaareen shuruudahaan, waxaana gogoshaas uu Farmaajo ka damaand-qaadey dhaqan-gelinta labadaas qodobo.

Qodobka ah in ciidamada dowladda laga soo saaro gobolka Gedo waxay Farmaajo iyo Axmed Madoobe ay isla meel-dhigeen intii uu socday shirkii Dhuusamareeb2, balse wuxuu ka fuli waayey dhanka dowlada dhexe.

Shaacinta waqtiga uu furmayo kulanka ayaa kusoo hagaageysa iyaddoo madaxweyeyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ay ku kulmayaa Byadhabo si ay mowqifkooda u mideeyaan kahor shirka.

Maamuladan u jaran-jeera dhanka Villa Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa heshiiskii qabyada ah ee DhuusamareebIII oo dhigayey in nooca doorashada 2020-21 ay noqoto degaan doorasho, waxayna u badan tahay inay difaacanayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM