Gaadiid walxo qarxa lagu soo xiray oo lagu fashiliyey duleedka Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Ugu yaraan laba gaari oo xamuul ah kuwaasoo walxo qarxa lagu soo rakibay ayaa lagu fashiliyey duleedka caasimada ku meel gaarka Jubaland ee Kismaayo, sidda ay sheegeen saraakiisha.

Xasan Aadan Maxamed Ciraaqi, taliyaha kumaandooska Soomaaliya ee Jubaland, ayaa gaadiidka ay qaxiyeen ku sheegay nooca loo yaqaano UD-da.

Isagoo hadalkiisa sii wata, taliye Ciraaqi ayaa wuxuu shaaca ka qaadey in tani ay ka dambeysay kadib howlgalo qorsheysan oo ay sameeyeen.

Sidda uu daboolka ka qaadey taliyaha, howlgalada ayaa waxay ka dhaceen degaanada Buula gaduud, Baar-sanguuni Buula Xaaji iyo Lafta Caanoole.

"Howlgaladan aan fulinay 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxay ahaayeen kuwa qorsheysan, waxaana ay kusoo dhamaadeen si guul ah, cadowgana oo qorsheyaal waday waa lagu kala ceyriyey," ayuu raaciyey.

Dagaalameyaal ka tirsan xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayuu hoosta ka xariiqay in ay ku dileen howlgalka, wallow uusan carabaabin tiradda guud iyo waxyeeladda dhankooda soo gaartey.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa todobaadkii hore faray ciidamada Jubaland in ay qaadaan howlgalo saf-balaaran oo lagu xoreynayo degaanada ka maqan ee Jubooyinka, halkaasoo Shabaab ay maamulaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM