Gaari ay leedahay AMISOM oo ku gubtay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Mid ka mid ah Gawaarida Ciidnaka Nabad ilalaalinta u jooga Somalia ee AMISOM ayaa ku gubtay  ka soo horjeedka Hotel Afrika oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska KM4.

Gaarigan ayaa dabku qabsaday xilli uu marayay Jidka mashquulka badan ee KM4, waloow xilligaas uusan ka jirin samxad maadama ay ahayd xilli badi dadku guryahooda u nasniino doonteen.

Gaadiidka Dab damiska Gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta, iyagoo ku guulaystay inay bakhtiiyaan dabka Gaarigaas.

Sawirro lagasoo qaaday gaarigaas ayaa muujinayay Qiiq iyo Colaha ka baxaya baabuurka oo yaalla wadada dhexdeeda.

Mid kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda Somalia, ayaa sheegay in baabuurkan uu iskiis u gubtay kadib markii ay maaso ka dhex kacday.

Dad fara badan oo shacab ah ayaa waxa ay soo buux dhaafiyeen goobta uu Gaariga ku gubanayo, balse Ciidamada ayaa shacabka ku amraya in ay ka fogaadaan nawaaxiga uu baabuurku ku gubanayay. 

GAROWEONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM