Gaari Bullet-proof ah oo lagu rasaaseeyay nawaaxiga Villa Soomaaliya [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Ilaalada Aqalka Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, ayaa saaka rasaas xooggan ku furey Gaari nooca Madaxda sare ay wataan, ee loo yaqaano LandCruiser oo aan xabadda karin [Bullet-Proof].

Gaarigan oo aan wadan wax Taargo ah, ayaa lagu rasaaseeyay Barta Koontrool ee ku taalla Isgoyska Sayidka, ee laga ilaaliyo Villa Soomaaliya, kadib markii Ciidamada halkaasi ku sugan ay ka shakiyeen markii uu diiday inuu istaago, oo hubin lagu sameeyo.

Rasaasta ayaa sababtay in Gaariga uu ka banjaro Taayaradda, islamarkaana uu ka baxo wadada, iyadoo Darawalkii waday uu diiday inuu kasoo dagto, waxaana goobta loogu yeeray Saraakiil ciidan oo baaraya cida leh gaarigan Bullet-proof-ka ah.

Lama soo sheegin wax khasaaro ah oo rasaasta kasoo gaartay dadkii ku jiray Gudaha Gaariga, maadaama uu yahay nooca aan xabada karin, waxaana sidoo kale la shaacin natiijada baaritaanka.

Goobta lagu rasaaseeyay Gaarigan ayaa Todobaadyo kahor waxaa ka dhacay qarax gaari, iyo weerar toos ah oo rag hubaysan oo katirsan Al Shabaab ay ku qaadeen Ciidamada Ilaalada Madaxtooyadda.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in Gaariga uu leeyahay Hanti-Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Maxamed Maxmuud Cali [Afgooye], kaasi oo aan la socon Gaariga xilliga shilka.

Amaanka wadooyinka gala Villa Soomaaliya ayaa aad loo adkeeyay wixii ka dambeeyay weerarka, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu kordhiyay kuwii horey u joogay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM