Gaari laga soo xaday Nairobi oo Soomaaliya laga helay

Image

KISMAAYO, Jubaland – Gaari xamuul ah oo laga soo xaday magaalada Nairobi ayaa Khamiistii, Janaayo 28, waxaa qabtay ciidamadda waddanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee jooga magaalada Dhoobley.

Baabuurkan xamuulka qaada oo dib loogu celiyey mulkiilaha ayaa lagu waramay in lagu isticmaalayey xuduudka Soomaaliya.

Wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Hogaanka Saldhiga Booliska Dhoobley, Maxamed Cabdi Cumar, Taliyaha Qeybta labaad, Paul Njema, iyo Colonel Maxamed Cabdi oo ka tirsan ciidanka Soomaaliya.

Milkiilaha gaariga xamuulka, Paul Kyullu, oo agaasime ka ah shirkad fadhigeedu yahay magaalada Nairobi oo ka shaqeysa arrimaha baabuurta, ayaa amaanay ciidamada amniga sidoo kalena muujiyay mahadcelin.

"Tani waa mucjiso," ayuu Kyullu yiri.

Ciidamada ku sugan Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa la xiriiray booliska Kenya ee Nairobi iyo qeybta Gaarisa, kuwaas oo ku wargeliyey in gaari la xaday laguna raad-joogo uu ku sugan yahay Dhoobley.

"Ciidamada KDF ee sidda wadajirka ah ula shaqeynaya ciidamada amaanka ee Soomaaliya isla markiiba waxay ku dhaqaaqeen ficil waxayna xireen dhamaan jidadkii looga bixi lahaa magaalada gudaheeda," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Xatooyada baabuurta ayaa kamid ah kiisaska ugu badan gudaha dalka Kenya, iyadda oo tuugadda ay si joogto ah u hindisaan xeelado cusub.

Sidda laga soo xigtay warbixintii ugu dambeysay [2018] ee uu daabacay Ururka Caymiska Kenya (AKI), ugu yaraan 100 baabuur ayaa lagu soo warramey in laga xado shirkadaha shaqadoodu tahay arrimaha caymiska bil kasta.

"71% baabuurta la sheegay in laga xaday dalka waa Toyotas waxaana ku xiga Isuzu (7%) iyo Nissan (5%). Inta soo hartay waxay isugu jiraan 17%," ayaa lagu yiri warbixinta qeyb ahaan.

Caddaanka ayaa weli ah midabka ay tuugadda beegsadaan (50%), waxaana ku xiga qalin (21%). 66% baabuurta waxaa laga xadaa goobaha la dhigto, gaar ahaan meelaha dadku isugu yimaadaan tusaale ahaan aagaga madadaalada iyo kaniisadaha, halka 13% la afduubto.

Qaababka ay tuugtu adeegsadaan ayaa waxaa ka mid ah; isticmaalka Jammer-ka, taarikada been abuurka ah, gawaarida la qariyay ee gabi ahaanba burburay, dumarka codsanaya wiishka iyo aqoonsiga milkiilaha gaariga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM