Gaari qarax lagu soo xiray kuna soo wajahnaa Muqdisho oo la qabtay

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in uu degaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose ku qabtay gaari qarax siday iyo dagaalameyaal Al-Shabaab ah oo wadday.

Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, taliye ka tirsan kumaandooska Danab oo howlgalka sameeyay, ayaa xusay in gaariaas uu kusoo wajahnaa magaala madaxda Muqdisho, wallow uusan bixin tafaasiil.

Sidda laga soo xigtay Mr Maalin, gaariga iyo xubnaha wadday ayaa gacanta lagu soo dhigay kadib howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen ciidamada, wallow uusan shaaca ka dhigin tirada maleyshiyadda.

"Waxaan u hambaleynayaa ciidamadii sameeyay howlgalkaan, waxaana ay badbaadiyeen nolol badan oo argagixisada ku talogashay in ay disho," ayay warbaahinta ciidanka xoogga kasoo xigatay.

Marka lago tago sheegashada, ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya. Sidoo kale, xoogaga hubeysan ee gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida ee Al-Shabaab wali kama falcelin warka.

Bishaan August 16-keeda ayay ahayd markii ciidanka Danab oo dib ula wareegay degaanka Kuntuwaarey ay burburiyeen beer ay ka dhawaajiyeen in Al-Shabaab ay ku beeri jirtay maandooriyaha Xashiishka.

"Ciidanka kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan saakay ka fuliyeen Degmada dhawaan Argagixisada laga xureeyey ee Kuntuwaarey ee Gobolka Sh/hoose ayaa waxa ay Gacanta ku dhigeen Beer aad u weyn oo Argagixisadu ku beeratay Xashiish ay u soo dhoofin jireen Magaalada Muqdisho," ayuu taliskan uu meelmariyo Mareykanka ku yiri qoraal.

Degaanka Gandarshe oo ku dhow magaalada madaxda gobolka Shabeellaha Hoose ee Marka ayaa caasimadda Muqdisho u jira qiyaastii 54 KM.

Fashilinta qaraxaan ayaa kusoo hagaageysa xilli caasimadda ay afar weerar oo laba kamid ah ay ahaayeen is-miidaamin ay ka dhaceen saddexdii asbuuc ee lasoo dhaafay, taasoo galaafatay nolosha badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM

Midowga Afrika oo Mar Kale Adkeeyay Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa ku celiyay in ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay tahay arrin saldhig u ah xasilloonida Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 11:26AM