Gabar la tuhunsan yahay in lagu qafaashay Muqdisho oo la goobayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa maanta shaaciyey in uu baadigoobayo gabar 14-jir ah oo la tuhunsan yahay in lagu afduubtay gudaha magaala madaxda waddanka ee Muqdisho.

Sakiya Xuseen, taliye ku xigeenka bileyska, ayaa barteeda gaarka ah ee Facebook waxay ku daabacday macluumaad kooban oo la xiriira dhacdadaan oo ay sheegtay in laga soo wariyey degmada Howlwadaag.

Sidda laga soo xigtay taliye ku xigeenka, gabadha la doon-doonayo ee la tuhunsan yahay in la qafaashay waxaa lagu magacaabaa Maryan Cabduqaadir Calinuur. Sidoo kale, sawirkeeda ayay baahisay Sakiya.

"Waxaa la baadigoobaya MARYAN CABDULQADIR CALINUUR, 14 jir ah oo 2 cisho ka hor la tuhmaayo in laga afduubtay degmada Howlwadaag gaar ahaan suuqa Bakaaro agaarka Carwo Liimoon," ayay tiri.

Iyaddoo fariin u direysa dadweynaha, ayay xustay: "Bulshada Soomaliyeed waxaa ka codsaneenaa inay nala baadigoobaan Maryan wixii maclumaad ah ku soo hagaan boliiska iyagoo wacaaya numberka 991".

Illaa iyo haatan, lama ogga sababta dhabta ah ee loo afduubtay Inantan yar. Hase ahaatee, waxay imaaneysaa xilli magaalada muddooyinkii dambe ay kusoo bateen dhacdooyinkan noocaan oo walaac abuuray.

Sanadkii hore ayay ahayd markii taliska booliska uu shaaciyey in uu fashiliyey shabakad abaabulan oo ka ganacsatada iibinta caruurta. Wararka waxay xusayaan in caruurta lagala baxo kiliyaha lana sii iibiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM