Gadiid aan xabada karin iyo ciidamo kale laga dejiyay Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Saddex diyaaradood ayaa maanta oo Talaado ah waxay cago dhigteen garoonka diyaaradaha magaaladda Dhuusamareeb, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo.

Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in maalamaha soo aadan uu ka qabsoomo shirka dib u heshiisiinta maamulkaasi, kaasi oo dhinacyo kala duwan ay ka qeybgalayaan.

Diyaaradaha ayaa la xaqiijiyey in ay wadeen gaadiid nooca aan xabadda karin ah, ciidamo dheeraad iyo sidoo kale gaadiidka ay adeegsadaan askarta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Axadii ayey ahayd markii booliska sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ay gaareen xarunta gobolka Galgaduud, wallow talaabadaasi ay su'aal ka keenen mas'uuliyiinta degaanka.

Tani ayaa ka dambeysay markii heshiis ay gaareen xukuumadda Muqdisho iyo Ahlu Sunna Waljameeca, inkasta oo hogaanka ururkaasi uu shaaciyey in dowladdu uga baxday qaar kamid ah qodobada.

Qaar kamid ah xisbiyadda siyaasadeed ee dalka ka jira oo sheegay in dowladdu farogelin ku hayso shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa ka digay in ay horseedo qalalaaso.

Furitaanka kulanka oo qaban-qaabadii ugu dambeysay loogu jiro ayaa waxaa la filayaa in ay ka qeybgalaan madax ka tirsan xukuumadda federaalka ah.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa horey uga dhawaajiyey in shirkan uu dabaha u xaarayo "Galmudug mideysan, xoogan oo ka qeyb-qaadata horumarka waddanka".

Marka laga soo tago sharaxaadda mas'uuliyiinta, qaar kamid ah siyaasiyiinta degaankaasi oo kala qeybsamay ayaa ku doodaya shirka lagu fushanayo "dano siyaasadeed".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM