Gadoodka xubnaha Puntland ee BF oo laga digay in leyska indha-tiro

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Muuse Suudi Yalaxow, Senator ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa ka digay in leyska indha tiro diidmada xubnaha Puntland ee fadhiyadda golahaas.

Mudaneyaasha Puntland ku metela Senate-ka ayaanan ka qeybgeli shirarkii u dambeeyay, waxaana sababta ay ku sheegeen in la ansixiyey sharciyo aan laga talagalin maamulada lana diidey in la hakiyo.

Shuruucdaas waxaa kamid ah Batroolka, Kheyraadka iyo Duulista Rayidka oo ay ku jiraan qodobo khatar ah oo u baadan heshiis.

"Puntland hadda shirkaan waa ka baxdey. Hal qof kama joogto. Waxay uga baxeen cadaalo daro ay sheeganayaan, waxaas oo dhan wax layska indha-tiri karo ma ahan, waxayna tageen shaqada xumada meeshaan [Aqalka Sarre] ka socota," ayuu Muuse yiri Axadii.

"Canaad"

Dhanka kale, Senator-ka ayaa sheegay in Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya aysan si siman u qeybin deeqaha laga helo caalamka. Arrintaas wuxuu si gaar ah ugu eedeeyay Cabdullaahi Salaad Oomaar.

"Wasaaradda wax u hagaagsan malahan. Gaadiidka dhulka fiirsha [burburka waddooyinka iyo xakameyn la'aanta gawaarida]. Wasiirka waa ka daryey mooyee wax fiican ka keenin," ayuu ku adkeystay.

Wuxuu ku raaciyey: "Wax laga faa'iidey oo aan khasaaro ahayn ma jirto [xukuumadda Nabad iyo Nolol]".

Hay'adda Duulista Rayidka ayuu xusay in aysan madax banaaneyn isla markaana madaxda fadhisa Villa Soomaaliya u adeegsadaan dano siyaasadeed gaar ahaan dhinacyadda ka aragtida duwan.

Ugu dambeyntii, wasiir Oomaar ayuu ku waaniyey in uu wax badan ka bedelo siyaasadda wasaaradiisa ee ku wajahan Hay'adda.

"Wasiir waxba kuuma hagaagsana, howsha in aan kula socod siino ayaan rabnaa. Hay'addaan dabadda looga dhegan yahay waxaan rabnaa in aad wax ka bedesho," ayuu Muuse Suudi hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM