Galaha Ammaanka oo xayiraada hubka ka qaadey Soomaaliya

Image
Hogaanka dowladda federaalka ayaa si weyn ugu dabaaldegay talaabadan ay ku tilmaameen "guul taariikhi ah".

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay in ay xayiraadda hubka ka qaadeen Soomaaliya kadib markii at taageereen 14 dowladood.

Qaaditaanka cunaqabateyntan oo lasoo rogay 1992-dii ayaa waxa ay kusoo aaday iyadda oo dalka uu ku jiro dagaal looga soo horjeedo dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Hogaanka dowladda federaalka ayaa si weyn ugu dagaaldegay talaabadan waxaana ay sheegeen in ay tahay guul taariikhi ah oo usoo hooyatay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dalka Ingiriiska oo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu bishii horey uu booqdey ayaa qaraarka qaaditaanka xayiraadda hubka u gudbiyay Golaha Ammaanka.

Britain ayaa sidoo kale waxa ay golaha u gudbisay qaraar kale kaasoo xayiraad kusoo rogaya xoogaga qacan-saarka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacida.

Al-Shabaab ayaa kamid ahayd sababaha ugu horeeya ee markii hore xayiraada hubka loogu soo rogay Soomaaliya maadaama ay si fudud ku helaysay saanada dowlada.

Kadib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-dii, hubka ayaa gacanta u galay hogaamiye kooxeedyada taasoo horseeday in ay dhexdooda ku diriraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM