Gallan: Dhaqaalaha ugu badan ayaa lagu bixinayaa amniga Boosaaso

Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Kulan looga hadlay qorshaha xukuumadu Puntland u diyaarisay adkeynta amniga magaaladda Boosaaso ayaa Khamiista maanta ah ka qabsoomay xarunta ganacsiga dowladda Puntland.

Wasiiro socdaal ku jooga halkaasi, mas'uuliyiinta gobolka, kan degmada iyo wax-garadka ayaa ka qaybgalay shirkaasi oo lagu soo bandhigay qaababka loo sugayo amaanka caasimad goboleedka Bari.

Wasiirka Amniga dowladda Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan, oo madasha ka hadlay ayaa ku nuux-nuux saday in ay ka go’an tahay u gudashada waajibaadkooda si hufan.

"Waxaan go’aan-sanay in aan ku cibaadaysano u shaqeynta dalka iyo dadka … oo aan si iqlaas ah u shaqeyno," ayuu wasiir Gallan yiri, isaga oo ku daray "Waadna la socotaa kitaab ayaa lagu dhaartay.

Mr Gallan ayaa si cad daaha uga rogay in xukuumada uu hogaamiyo madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ay awooda isugu geyn doonto sidii loo xasilin lahaa magaalada ah Isha dhaqaalaha Puntland.

"Hadii la oran jiray dhaqaalo laguma bixiyo amniga Boosaaso, waxaan diyaar u nahay in aan ku bixino dhaqaalaha ugu badan … hadii la oran jiray wasiirada ma yimaadaan … diyaar ayay u yihiin inay idin kala shaqeeyaan," ayuu xusay.

Ma'uuliyiinta iyo shacabka ayuu cod dheer kaga dalbaday in ay gunta dhiisha isaga dhigaan sidii Boosaaso dib loogu soo celin lahaa amaanka oo xumaaday intii uu jiray maamulkii Cabdiwali Gaas.

"Madaxdii hore wax qaldan bay saxeen waxna way ka tageen … laakiin lama aqbali karo in wiil yar uu dil ugu geysto Masaajid mid kamid ah nabadooda ugu wayn Puntland kadibna uu dhexmaro isagoo aan la qaban," ayuu raaciyay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM