Galmudug iyo HirShabeelle oo shaaciyay doorashada 32 kursi

Image
Ilaa iyo hadda waxaa la doortay 35 kursi oo ka tirsan golaha shacabka kuwaas oo qaarkood ay muran ka taagan yihiin.

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlad-goboleedyada Galgmudug iyo Hirshabeelle ayaa shaaciyay liiska 32 kursi oo doorashadooda dhawaan ka dhacayso magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Jowhar Iyada  oo ay shalay si rasmi ah u billaabatay mudada 40-ka cisho ah ee loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka baarlamanka 11-aad ee Soomaaliya.

Galmudug ayaa shaacisay 21 kursi doorashada waxaana kuraastaas ka mid ah HOP248 oo uu u taagan Saadaq Joon taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir, kursigaan ayaa la fahamsanyahay in uu isu soo taagi doono guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare Abshir Bukhaari kadib markii kursigiisa Aqalka Sare laga wareejiyey jufadiisa lana siiyey jufo kale.

Sidoo kale waxaa kuraasta ka mid ah kursiga HOP147 oo haatan uu ku fadhiyo xildhibaan Mahad Salaad. Kursigaan waxuu ka mid yahay kuraasta ugu adag ee laga war sugayo sida ay Galmudug u marey doonto doorashadiisa.

Sidoo kale kursiga HOP138 oo haatan uu ku fadhiyo Xildhibaan Saciid Nuur Giriish ayaa ka soo muuqday liiska kuraasta ay baahisay Galmudug, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Jeneraal Indhacade ayaa la rumeysan yahay in ay ka mid yihiin musharaxiinta kursigaas.

Kuraasta kale ee doorashadoodu adagtahay ee liiskaan ku jira waxaa ka mid ah HOP048 oo Jeneraal Cabdullahi Gaafow uu ku fadhiyo, HOPp049 oo Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow uu ku fadhiyo, HOP061 oo Cabdiweli Maxamed Qanyare uu ku dhafiyo, HOP071 oo Cabdisaabir Nuur Shuure uu ku dhafiyo, iyo HOP089 oo Cabdi Shire Cayaar-jecel uu ku fadhiyo.

Dhanka kale, Guddiga doorashada HirShabeella ayaa shaaciyey 11 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo uu dhowaan doorashadoodu ku qabanayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas.

Kuraasta la shaaciyey, oo kala ah HOP005, HOP024, HOP033, HOP052, HOP070, HOP088, HOP097, HOP098, HOP106, HOP115, HOP140, ayaa dhammaantood ah kuraasta la qorsheeyey in doorashadooda lagu qabto magaalada Jowhar.

Guddiga ayaan weli shaacin mid ka mid ah 25-ka kursi ee la qorsheeyey in doorashadooda lagu qabto magaalada Beledweyne, ayada oo weli aanay caddeyn haddii halkaas doorashado ay ka dhici karto.

Guddiga ayaa dhanka kale dib u dhigay shaacinta laba kursi oo ka mid ah 13-ka kursi ee yaalla magaalada Jowhar, kuraastaas oo ay ka taagan tahay xiisad laga cabsi qabo in ay daagala isku rogto.

Labada kursi ee dib looga dhigay ayaa kala ah HOP141, oo uu hadda ku fadhiyo wasiirkii hore ee amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, iyo HOP146 oo uu ku fadhiyo Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Galmudug ayaa sidoo kale aan shaacin kuraasta ay ku fadhiyaan Cabdiraxmaan Odawaa, Axmed Maxamed Fiqi iyo Ubax Tahliil, kuwaas oo ka mid ah kuraasta la aaminsan yahay in maareynta doorashadooda ay ku adkaa doonto Galmudug, maadaama ay wajahayaan loolan adag.

Ilaa iyo hadda waxaa la doortay 35 kursi oo ka tirsan golaha shacabka kuwaas oo qaarkood ay muran iyo buuq ka taagan yihiin, waxaana harsan 240 kursi, oo ay tahay in lagu doorto 40 cisho gudahood.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa shir isbuuc uga socday Muqdisho ay ku soo gabagabeeyeen 9-kii Janaayo ku sheegay in kama dambeys la soo afmeerayo doorashada golaha shacabka ee baarlamanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya 25-ka bisha soo socota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Laftagareen oo UN-ka kala shiray xaalka Golaha Wadatashiga Qaranka

Kulanka golaha wadatashiga qaranka ayaa baaqdey bishii hore kadib is-faham la'aan dhanka ajendaha ah.

  • Soomaliya

    02-05-2024

  • 11:08AM

Soomaaliya iyo Turkiga oo ku heshiiyay is-dhaafsiga maxaabiista

Golaha Wasiirada ayaa Khamiista maanta ah meelmariyay heshiiskan oo ka kooban afar qeybood.

  • Soomaliya

    02-05-2024

  • 09:14AM