Galmudug iyo Jubaland oo ka hor-yimid sharciga doorashooyinka

Image

KISMAAYO, Jubaland – Dowlad Goboleedyadda Jubbaland iyo Galmudug ayaa si adag uga hor-yimid sharciga doorashooyinka ee Khamiistii ay meel-marisay Xukuumada federaalka ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Axmed Madoobe ayaa ku tilmaamay sharcigaasi "mid sharci darro ah maadaama aanan laga talogelin, isla markaana uu baalmsan yahay dastuurka".

Madaxtooyada Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa shaaciyey in meel-marinta xeerkaasi oo ay Laanta Fulinta isku kaliyeeshay "uu halis ku yahay geedi u socodka nidaamka Federaalka ah ee uu dalku qaatay".

Puntland oo horey ugu gacan-sayrtay xeerkaasi ayaa xukuumada Xasan Cali Khayre ay ku tartarsiisay in ay joojiso talaabooyinka ka hor-imaanaya Axdiga qaybo qoraalka ah.

Maamuladda ayaa saaxiibada caalamka ogeysiisay in aysan qayb ka aheyn go'aan kasta oo ay qaadatay xukuumada oo aanan waafaqsaneen dastuurka ku meel gaarka ah.

Tani ayaa ka dhigan in saddex kamida dowladaha xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya ay qaadaceen sharcigaan, marka laga reebo HirShabelle iyo Koonfur Galbeed oo aanan wali caddeyn mowqifkooda.

Arrimahaan ayaa kusoo beegmaya iyadda oo lagu waddo in magaalada Garowe, caasimada Puntland uu ka qabsoomo shir wadatashi oo u dhaxeeya madaxda dowlada dhexe iyo maamulada.

WAR-SAXAAFADEEDKA JUBBALAND

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM