Galmudug: Nin kufsadey gabar 6-jir ah oo xukun lagu riday

Image
Maxamed Cabdi Dhoore ayaa la sheegay in uu maxkamada ka hor-qirtey dambiga lagu soo oogay.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Maxkamada gobolka Galgaduud ayaa Arbacada maanta ah waxay xukun ku riday nin lagu eedeeyay in uu kufsi iyo afduub u geystay gabar yar Bishii 19-ka bishii sideed 2021.

Maxamed Cabdi Dhoore ayaa lagu xukumay shan sano xabsi ah iyo laba halaad geel ah oo ah magta Farxiyo Cali Maxamed, 6-sano jir kadib markii uu maxkamada ka hor-qirtay dambiga lagu soo eedeeyay.

Cabdixakiim Maxamed Xersi, xeer-ilaaliye ku xigeenka Galmudug, ayaa xeer-beegtada u sheegay in Dhoore uu bigra-jebiyey gabdhaha "isla markaana shahwadiisa uu ku daadiyey surwaalkeeda".

"Gabadha waa ilmo yar oo saqiir ah ma garato waxaas xataa hadii la dhihi lahaa iyaddaa isku sameysay dareenkii iyo caqligii ay ku sameyn lahayd malahan. Dhoore ayaa mas'uul ka ah," ayuu Xersi tibaaxay.

Axmed Salaad Kulane, garsooraha maxkamada Galgaduud oo xukunka ku dhawaaqay, ayaa tibaaxay in uu go'aankan qaatay ka gedaal markii uu ku qancay caddeymaha loosoo gudbiyey oo qiraalka kamid yahay.

"Maxkamada waxaa u cadaatay in Dhoore yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay. Ciddii aan ku qanacsaneyn xukunka waxaa u furan rafcaan 30 maalmood ah," ayuu Kulane hadalkiisa kusoo afray hadalkiisa.

Kufsiga ayaa kamid ah dhibaatooyinka haweenka Soomaaliyeed sida maalinlaha ah u soo gaara, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, oo tibaaxdey in kiisaska lasoo wariyo ay ka tiro badan yihiin kuwa la daboolo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Cambaareysay Weerarkii lagu Qaaday Madaxdii Hore ee Soomaaliya

Puntland waxay uga digtay dowladda federaalka in haddii aan si deg-deg ah heshiis looga gaadhin doorashooyinka dib u dhacay.

  • Soomaliya

    04-06-2026

  • 02:15PM

Fiqi oo ku eedeeyay Sheekh Shariif iyo Khayre inay abaabuleen afgambi ka dhan ah Xasan Sheekh

Fiqi ayaa sidoo kale ku andacooday in mucaaradku ay abaabuleen maleeshiyaad si weyn u hubeysan iyagoo ku gambanaya banaanbax nabadeed.

  • Soomaliya

    04-06-2026

  • 07:24AM