Galmudug oo amar kasoo saartay Masjid ay xireen booliska Soomaaliya

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sharci darro ku tilmaamtay talaabo ay booliska Guriceel maanta albaabada isugu laabeen Masjid ku yaala magaaladaas ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ciidamadaas oo aan la ogeyn sababta ay falkaas ugu kaceen ayaa lagu waramay in ay hoostagaan Taliska Booliska Soomaaliyeed ee fadhigiisu yahay magaala madaxda waddanka ee Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Amniga Galmudug oo uu wasiirka ka yahay Axmed Macalin Fiqi ayaa loogu baaqay ciidanka in aysan ku milmin is-qabqabsiga Masaajidada ee taagan.

"Wasaaradda Awqaafta oo kaliya ayaa go’aan ka gaari karta In la xiro masjid ama In la furo. Go’aanka lagu xiray masjidka xaafadda Tawfiiq Guriceel ku yaalla waa mid hanaanka sharciga hareermarsan," ayaa lagu yiri qoraalka oo lasoo dhigay barta Facebook ee wasaaradda.

Qoraalka oo luuqad adag lagu qoray ayaa la raaciyey: "Arrin kasta oo masaajidda Galmudug ku saabsan waxaa go’aanadeeda loo wakiishay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Dawladda Galmduug".

"Waxaa la Farayaa hey’adaha amniga In ay ilaaliyaan sharciga kana fogaadaan ku lug-yeelashada muranada masaajidda ku saabsan isla markaana ay ilaaliyaan amniga iyo xasiloonida," ayaa lagu soo xiray.

Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Taliska Ciidamadda Booliska Guriceel, kamana jawaabi codsiyo loo diray.

Galmudug ayaa dhowaan ku dhawaaqdey qorshe ay ku sameyneyso ciidamo daraawiish ah, talaabadaas oo ay ku tilmaamtay "mid ay uga kaaftoomeyso ciidamadda Xamar mushaharka laga siiyo ee aan ka amar qaadan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM