Galmudug oo "dad u soo qabatay" saraakiisha la laalay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Maamul goboleedka Galmudug ayaa shaaca ka dhigay in ay jiraan dad ay u soo qabqabteen saraakiisha todobaadkii hore lagu dilay inta u dhaxeysa Balanbale iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Axmed Shire Falagle, wasiirka warfaafinta Galmudug oo xogtaas bixiyey, ayaan kala caddeyn tiradda shaqsiyaadka ay soo xireen, wallow uu ka dhawaajiyey in ay ku raadjoogaan xubno kale oo tiradooda uusan carabaabin.

Mr Falagle oo wax laga waydiiyey suurtagalnimada in falkaas uu salka ku hayo aanooyin qabiil ayaa ku gaabsaday in wax walba ay kala cadaan doonan marka lasoo gabagabeeyo baaris uu tilmaamay in ay bilaabeen.

Xilli uu dilka ku sifeeyay mid "argagax leh" isla marmaana "bahalnimo ah", wasiirka ayaa tacsi u diray ehelka iyo asxaabta saraakiisha la laalay.

"Waxaan qorsheynay in aan gacan bir ah kusoo qabano cidii ka dambeysay; qabqabasho iyo xog uruurinta way jirtaa inta hayrtayna waa lagu daba jiraa. Waxaana naga go’an in aan sharciga horkeeno cid walba oo ku lug-yeelata," ayuu u sheegay telefishinka maxaliga ah ee SBC Somali.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: "Soomaalida dil walba oo dhacay boqol magac ayay u bixineysaa, dadka la laayey sidoo kale boqol magac. Marka baaritaanka lasoo gabagabeeyo ayay soo ifbixi doontaa sababta loo dilay".

Saraakiisha dilka lagula kacay oo todoba ah ayaa ahaa kuwa dhowaan tababar loosoo xiray, waxaana ay kusii jeedeen hoygooda markii falku dhacayey, sidda ay sheegeen mas'uuliyiin. Saddex kalena waxaa soo gaarey dhaawac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM