Galmudug oo dhameystiraysa doorashada Aqalka Sare

Image
Talaabadan ayaa kusoo aadeysa kahor inta aysan bilaaban xulista xubnaha Aqalka Hoose.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug Ahmed Cabdi Kaarie ayaa daabacay liiska xubnaha Musharixiinta u tartami doona laba kursi oo ka harsanaa xubnaha Aqalka Sare baarlamaanka 11aad ku meteli doona maamul goboleedkaas.

Doorashadda xubnaha Galmudug uga haray xulista wakiiladda afarta sano ee soo aadan ku meteli doona Aqalka Sare baarlamaanka 11aad ayaa la dooranayaa 13-ka November, Sabtida asbuuca dambe, sida uu shaaicyey guddiga maamulaya coddeynta.

"Waxaan caawa soo saarnay liiska xubnihii ka dhimanaa Musharixiinta u tartami doona golaha aqalka sare ee BFS. Illaah baa mahad leh," ayuu Qoorqoor ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

Kursiga koowaad waxaa ku tartami doona Cabdi Qaydiid kaasoo loo xiray kursiga waxaana tartanka laga reebay Axmed Ducaale Geelle [Xaaf], madaxweynihii hore ee Galmudug kaasoo haatan u ordaya kursi xubinimo Aqalka Hoose dalka ah.

Hoos ka akhriso qoraalka

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM