Galmudug oo dil toogasho ku fulisay rag dilay labo qof walaalo ahaa

Image
Dambiileyaasha ayaa lagu kala magacaabaa Nuur Cabdi Maxamed, Shuceyb Maxamed Faarax Aadan, iyo Bile cabdullahi Xasan.

DHUUSOMAREEB, Galmudug - Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay goordhow dil toogasho ah ku fulisay raggii dilay Macalinkii iyo Dhakhtarkii walaalaha ahaa.

Toogashada ayaa lagu fuliyay Nuur Cabdi Maxamed, Shuceyb Maxamed Faarax Aadan, iyo Bile cabdullahi Xasan, kuwaa oo hore u dilay Dr Axmed Xasan cusmaan iyo Macallin Axmed Xasan Cusmaan oo ahaa walaalo.

Sikastaba, fulinta xukunkan dilka toogashada ah ayaa waxa uu hadalheyn badan ka dhaliyey guud ahaan baraha bulshadda halkaas oo dadweynaha ay kusoo dhaweynayaan talaabadan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM