Galmudug oo ka jawaabtay eedeymo ay jeediyeen maamulka DDS

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Maamulka Galmudug ayaa maanta ka jawaabay eedeymo kulul oo uga yimid Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Abshir Cabdi Shiikhoow ayaa beeniyay in ay jiraan ciidamo ka tirsan Galmudug oo u dhaqaaqay dhanka Itoobiya, kadib dagaal shalay ka dhacay agagaarka degmada Shilaabo ee gobolka Qorraxey ee dowlad deegaanka.

Wasiirka oo ka jawaabay hadlo ka soo yeeray DDS ayaa sheegay in aanay jirin wax xiriir ah oo dhex maray labada maamul kuna saabsan dhacdadan.

Sidoo kale, waxa uu carrabka ku dhuftay in marwalba ay diyaar u yihiin dhaxdhaxaadinta beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya xuduudda Itoobiya iyo Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay Dowlad Deegaanka Soomaalida, gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah oo dhanka Galmudug ka yimid ayaa ka gudbay xuduuda, iyagoo halkaas ka kiciyay dagaal ay ku dhinteen 12 qof.

Maamulka DDS ayaa sheegay in ay ka xun yihiin falkaas, iyaga oo xusay in ay ku taageereen Galmudug dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ iyo in aysan ka fileyn tallaabadan.

Maamulka ayaa sidoo kale cadeeyay in ay qaadi doonaan dhammaan tallaabooyinka muhiimka u ah sugida amniga xuduudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Lagu Eedeeyay Inay Dagaalka Al-Shabaab Ka Leexisay Jidkiisa

Macawiisleyda Beesha Xawaadle ayaa si weyn uga dagaallama gobolka Hiiraan, waxayna door muuqda ku leeyihiin howlgalada lagaga saaray Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    10-06-2025

  • 08:31AM

Qaran Midoobaya Mise Kala Firdhaya? Wadahadallada Qaran oo Galay Mugdi Siyaasadeed 

Dooda siyaasadeed ayaa sii kululaatay kadib markii Xildhibaan Yusuf Gamadiid uu si cad u dhaleeceeyay dowladda dhexe.

  • Soomaliya

    10-06-2025

  • 07:51AM