Galmudug oo ka warbixisay xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Qoorqoor

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Cabdi Adan oo goor dhow la hadlay VOA ayaa ka warbixiyay xaaladdiisa caafimaad, isaga oo sheegay in ay aad u wanaagsan tahay.

Madaxweynaha ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana uu sii joogi doonaa maalmaha soo socda.

Wasiir Axmed Cabdi Aadan ayaa iftiimiyay in Al-Shabaab ay isku dayeen in ay ku dilaan Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiinta kale ee deegaanka Laas-Gacmey, weerarkaas oo ahaa mid aan lagu guuleysan.

Shalay subax ayaa gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa waxaa lagula eegtay nawaaxiga deegaanka Laas-Gacmey.Balse tallaabada degdega ah ee ay qaadeen ciidamada ammaanka ee Madaxweyne Qoorqoor, ayaa lagu fashiliyay weerarkaasi, iyadoo la sugay ammaanka Madaxweynaha iyo Saraakiisha kale ee hawlgalka ku lugta leh.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM