Galmudug oo qabatay rag lagu tuhunsan yahay Al-Shabaab

Image
Magalada Galkacyo dhanka Galmudug ayaa la filayaa in lagu qabto doorashada 11 xildhibaan.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Taliyaha Nabad Sugidda degmada Galkacyo ee dhanka Galmudug ayaa sheegtay in ay qabteen afar dhallinyaro ah oo looga shakiyay inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab.

Gaashaanle Xasan Axmed Cali ayaa shaaca ka dhigay ciidamada NISA xalay ay ka fuliyeen Konfurta Galkacyo howlgalka lagu soo qabtey shaqsiyaadkaas oo haatan wajahaya su'aalo-waydiin.

Taliye Xasan ayaa sidoo kale sheegay in howlgalku uu ahaa mid qorshaysan oo looga hortagayo falal amni darrada ah oo Al-Shabaab ay ka gaystaan Gaalkacyo.

Magalada Galkacyo, dhanka Galmudug oo la filayo in lagu qabto doorashada 11 xildhibaan ayaa waxaa ka socda howlgallo lagu xaqijinayo amniga kuwaasoo ay sameynayaan ciidamadda ammaanka.

Cali oo u waramay VOA ayaa tibaaxay inay hayaan xog ku aaddan in maleeshiyada Al-Shabaab ay qorshaynayaan in magalada Galkacyo ay ka geystaan falal lagu carqaladeynayo nabagalyada magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM