Galmudug oo qarka u saaran in ay yeelato laba madaxweyne

Image

GAALKACYO, Galmudug - Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa wuxuu soo saarey warqad ku taariikheysan 3-da Janaayo, 2020-ka, taasoo uu ku magacaabay "Guddi doorasho".

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Xaaf ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ah "farogelin iyo qas" ay ku hayso habraaca doorashooyinka maamul goboleedkaas.

Xubnahan uu xushay Xaaf oo tiradoodu gaareyso 11 ayaa waxaa ku jirta haweenay lagu magacaabo Sahro Daahir Mire, sidda laga soo xigtay warka qoraalka.

Xaaf oo ku sugan koonfurta magaaladda Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug, ayaa faray guddiga "in ay kusoo xaroodaan ugu dambeyn 10-ka Janaayo, 2020".

Guddiga uu shaaciyey Xaaf ayaa lagu waddaa in ay guddoon doortaan 12-ka Janaayo, 2020, iyagoo shaxda doorashooyinka soo bandhigaya 20-ka isla bishaan Janaayo.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xili Xaaf uu 2-dii Janaayo, 2020, ku dhawaaqay in uu wakiilnimadii doorashadda kala noqday xukuumadda federaalka ah.

Tani ayaa ka dhigan in Galmudug ay wajaheyso jahwareer horleh isla markaana qarka u saaran tahay in ay yeelato laba madaxweyne maadaama Dhuusamareeb ka dhaceyso doorasho kale.

QORAALKA XAAF

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 220 duqeyn cirka ah tan iyo Febraayo ay daciifisay Al-Shabaab

Ciidamada AUSSOM iyo U.S. Africa Command ayaa lagu amaanay duqeymaha istiraatiijiga ah iyo taageerada dagaallada dhulka.

  • Soomaliya

    06-11-2025

  • 06:27AM

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM