Galmudug oo xil u dhiibtay mas'uul ka tegay jago uu HirShabelle ka hayey

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa Axada maanta ah wuxuu Cabdullaahi Maxamuud Gacal u magacaabay guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Galmudug.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Qoor-qoor kaasoo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa lagu xusay in magacaabidan ay daaran tahay fulinta balanqaadkii Qoor-qoor ee ahaa dhisida "Hay'ad Garsoor oo Tayo leh".

"Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ka ambaqaadaya Ballanqaadkiisa ahaa dhisidda Hay'ad Garsoor oo Tayo leh, ayaa Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Galmudug oo ah hay'adda ugu sareysa laamaha Garsoorka, waxaana loo magacaabay Cabdullahi Maxamuud Gacal," ayaa lagu yiri qayb kamid ah war-saxaafadeedka.

Mr Gacal oo lagu soo bandhigay Madaxtooyadda Dhuusamareeb halkaasoo lagu dhaariyey ayaa 20-kii bishaan August sanadkan 2020 wuxuu iska casilay jagada Xeer-ilaaliya Guud ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Dr. Maxamed Nuur Gacal, afhayeenka Golaha Wakiilada Galmudug oo munaasabada joogay, ayaa dhaariyey gudoomiyaha cusub, isagoo u rajeeyay in uu ALLE ku guuleeyo waajibaadka cusub ee loo idmaday.

Iyaddoo dad badan ay is-waydiinayaan qaabka ay ku dhici karto in Mr Gacal uu laba maamul goboleed xil ka kala qabto, wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macali Fiqi, ayaa u dabaaldegay magacaabida gudoomiyaha.

Qoraal uu soo dhigay ciwaankiisa gaarka ah ee xiriirka dadweynaha Facebook ayuu ku sheegay in talaabadan ay la macno in uu "buuxsamay tiirkii 3-aad ee hey’adaha dawladnimada oo baahi weyn loo qabay".

"Waxaa galabtay madaxweynaha Galmudug uu magacaabay, isla markaana lagu dhaariyey madaxtooyada Galmudug guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dawladda Galmudug Md. Cabdullaahi Maxamuud Gacal oo 45-kii sano ee la soo dhaafay Garsoorka dalka ka mid ahaa," ayuu yiri.

Fiqi oo qoraalkiisa ay ka falceliyeen boqolaal ruux ayaa kusoo gabagabeeyay: "Galmudug waxaa u buuxsamay tiirkii 3-aad ee hey’adaha dawladnimada oo baahi weyn loo qabay".

Qaar kamid ah maamulada dalka ayaa hay'adahooda dowliga ah aysan lahayn xarumo ay ku shaqeeyaan, waxaana ugu wacan in madaxdooda aysan ahmiyad siinin dhismaha hay'adaha aas-aaska u ah dowladnimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sagootiyay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 11:37AM

Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:26AM