Ganacsade lagu dilay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Rag bastoolado hubeysan ayaa maanta oo Axad ah magaalada Muqdisho ku fuliyay fal khaarijin ah, oo lagu beegsadey mid kamid h Ganacsatada magaalada caasimadda ah.

Goobjogee la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in Cabdi Cismaan Afrax oo loo yaqaano (Cabdi Biifane) lagu dilay saaka Xaafadda Ex-control xilli uu gurigiisa kasoo baxay, kuna sii jeeday goobtiisa shaqo.

Sida Eheladiisu xaqiijiyeen, Cabdi Biifane waxuu ahaa Ganacsade soo dejiya Gawaarida iibka ah, ee dibadda laga soo dhaafiyo, iyadoo uu goob ganacsi ku lahaa nawaaxiga KM-4, ee Muqdisho.

Waxay sheegeen inay aad uga arggaxeen dilka Cabdi Biifane, oo rag hubeysan ay rasaas ku fureen markii uu Gurigiisa kasoo baxay, kadibna ka qaatey gaari uu watey. Rasaasta waxaa ku dhaawacmay mid kamid ah caruurtiisa.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka Ganacsadaha, iyadoo sheegtay inuu ahaa sarkaal katirsan waaxda canshuuraha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, dilkan ayaa qeyb ka ah falal lid ku ah amniga oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, oo ah xarunta ay ku shaqeyso dowladda Federaalka, oo lagu dhaliilay inay ka gaabisay sugida amaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM