Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay bariga dalka Koonfur Afrika

Image

PRETORIA, South Afrika – Kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa lagu waramay in ay magaala xeebeedka bariga dalkaas ku taala ee Durban ay ku dileen ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Faarax Weeyd.

Sidda ay soo jeedinayaan warar horudhac ah, marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaarey weerarka uga yimid kooxahaas.

Warbixinadda qaar ayaa tibaaxaya in dableyda ay dooneysay in ay dhac u geysato ganacsadaha ayna dileen markii uu ka biyo diiday damacooda.

Mas'uuliyiinta Jaaliyadda Soomaalida ee Koonfur Afrika ayaa sheegay in ay gurmad u fidiyeen Faarax "balse ay u timid qadartii ALLE".

Ma jiro war rasmi ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay safaaradda Soomaaliya iyo laamaha ammaanka oo markii falku dhacay tegay goobta.

Soomaalida ayaa kamid ah ajaaniibta sidda joogtada ah loogu beegsado Koonfur Afrika, mana jirto wax talaabo ah oo dowladda dalkaas ay qaado.

Dilkaan ayaa kusoo hagaagaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay gudaha waddankaas kusoo laba kacleeyeen bartilmaameedsiga ajaaniibta, iyaddoo dowladdu la tacaaleyso xaalada ka dhalatay safmareenka Coronavirus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM