Ganacsatada Canshuurta siisa Al-Shabaab oo loo digay [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin cusub oo Ganacsatada Muqdisho looga digayo inay lacagaha canshuurta ah u diraan Al Shabaab.

Shir jaraa'id oo uu ku qabtay maanta maagaalada Muqdisho, Afhayeenka Wasaaradda Cabdicasiis Xildhibaan ayaa sheegay in cid kasta oo lagu helo inay lacag u dirtay Al Shabaab lasoo taagi doono Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida.

Wuxuu digniin u jeediyay Shirkaddaha iyo xaruumaha Ganacsiga sida gaarka ah loo leeyahay ee ku yaalla Muqdisho inay u hogaansamaan amarada Al Shabaab ee ah inay bixiyaan lacagaha canshuurta.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in Wasaaradda amniga aysan u dulqaadan doonin in amarka Al Shabaab uu ka shaqeeyo Muqdisho, iyadoo amaanka Caasimadda ay gacanta ku hayso dowladda Federaalka.

"Marna ma ahan wax aan aqbali karno, iyadoo amaanka Muqdisho ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, hadana Ganasatada ay u hogaansamaan hanjabaadaha ay usoo dirayaan Malleeshiyada Al Shabaab," ayuu yiri Afhayeenka.

Cabdicasiis Xildhibaana ayaa xusay inuu socdo baaritaan oo ay gacanta ku hayaan liiska Ganacsato lacag siisa Al-Shabaab, isagoo dhanka kale digniin u jeediyay Mulkiiliyaasha Garoomada Sallaxa ah ee lagu ciyaaro Kubadda cagta ee Muqdisho inay u hogaansamaan amarka Al Shabaab ee ah inay xiraan.

Hoos ka Daawo Shirka Jaraa'id ee Afhayeenka:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM