​Garaad Abshir Saalax oo lagu Aasay Balli-cad, gobolka Sool

Image
Image
Image
Image
Image

LAASCAANO, Somalia- Waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay tuulada Balli-cad gobolka Sool AHN Garaad Abshir Saalax oo 1-dii bishan ku geeriyooday dalka Sweden, waxaana duugtiisa kasoo qayb galay madax-dhaqameed ka tagay gobollada Somalia iyo siyaasiyiin.

Duuqta garaadka oo ka dhacday dhinaca Bari tuuladda Balli-cad oo qiyaastii 100KM dhinaca Galbeed ka xigta xarunta gobolka Sool ee Laas-caano ayaa waxaa ka hadlay xubno isugu jira duub dhaqameed iyo siyaasiyiin, waxayna si midaysan tacsi ugu direen ehelkii iyo umadda Somaliyeed oo marxuumku ka baxay.

Garaad Cabdirasaaq Garaad Soofe, oo ku hadlayay afka isimadda ayaa sheegay inay ka xunyihiin geerida Marxuumka laakiin ay tahay xukun xag Rabbi ka yimi oo wada sugaya dhammaan qof kasta oo dunida guudkeeda saaran, wuxuuna ALLE uga baryay inuu jannadiiisa ka warabiyo, isagoo madasha ka sheegay inuu marxuumku lahaa astaamaha ehlu khayrka.

Galinkii dambe ee shalay ayay ahayd markii diyaar khaas ah oo watay maydka marxuumka cago dhigatay degmada Buuhoodle.

Garaadka ayaa kamid ahaa isimada magaca iyo sumcadda ku dhex leh bulshada Somaliyeed, wuxuuna muddo kabadan 20 sano hayay saldanadda Isinimo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM

Koonfur Galbeed oo Federaalka ah ku Eedeysay "Olole dagaal iyo sumcad-dil"

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada ololahan ay tahay in lagu wiiqo horumarka iyo nabadgelyada gobolka.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 11:34AM