Garaadada Laascaanood oo naftooda loo baqayo, baaqna loo direy

Image
Duqeynta aan kala joogsi lahayn oo loo adeegsaday hubka culus ayay magaalada ku garaaceen ciidamada Somaliland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Garaad Mukhtaar Garaad Cali ayaa xabad wiifto ah waxay ugu gashay gurigiisa xilli uu bixinayay wareysi tabin toos ah oo Baraha Bulshada laga daawanayay.

Mas'uulkan ayaa waxa sheegay in inkasta oo Somaliland ay xabad joojin ku dhowaaqday haddane ay weli waddo weerar isla markaana khasaaro kala duwan uu ka dhashay.

Dhacdadan kadib ayaa waxaa soo baxaya baaqyo ku aaddan in Garaadada ay helaan gabbaad ku filan oo ay ka dugaashadaan rasaasta iyo madaafiicda magaalada kusoo dhacaysa maadaama iyaga oo dhawr iyo tobon ah ay ku idil yihiin magaalada.

Dagaalka oo sii dabo dheeraaday, furinta uu dagaalka ka socdo oo weli Laascaanood ah, iyo dadkii ugu muhiimsanaa dhanka SSC oo weli halkaasi ku sugan ayaa sii kordhisay halista ay la kulmayaan Garaadada.

Inkasta oo ay yihiin hoggaan dhaqan, ayaa haddane ay Garaadada si toos ah u hoggaaminayaan kacdoonka hubeysan ee SSC, iyaga oo si maalinle ah u gaaraya go’aanada ciidan, taasina ay keeneyso in ay bartilmaameed toos ah u noqdaan Somaliland.

Dhinaca kale, duqeynta aan kala joogsi lahayn oo loo adeegsaday hubka culus ayay magaalada ku garaaceen ciidamada Somaliland, sidda ay sheegeen dadka degaanka iyo Isimadda gobolka SSC.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa yiri: "Iyada oo ay xilli hurdo tahay Somaliland waxay magaalada ku garaacaysaa madaafiic".

Waraysi uu siiyay Garowe Online ayuu ku eedeeyay in Somaliland ay Laascaanood ay ka gaysatay dembiyo dagaal isla markaana "ay u dhaqantay in aysan dadkaasi waxba ka harin"

Garaad Cabdikariim Cali Nuur oo isna kula hadlay warbaahinta Laascaanood ayaa yiri: "Xalay wuxuu ahaa habeenkii ugu darnaa ee duqeynta Somaliland ay magaalada ka gaysatay".

Sidoo kale, Garaad Cabdikariin Cali Nuur ayaa si wayn u duray culimadii dhawaan ka hadlay Hargeisa isaga oo yiri "Soomaali is nacde ee ilaahay ha is nicina".

Dhanka kale, ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashooyinkan. Somaliland ayaan dhankeeda wali ka jawaabin eedeyntan. Xaalada magaaladda ayaa noqotey mid colaadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM