Garabka Xaashi ee guddiga Somaliland oo guddoon doortey

Image
Talaabadan waxay u muuqataa mid ay uga jawaabayaan coddeynta maanta ka dhacdey Teendhada Afasiyooni. [Photo: Baraha Bulshada]

MUQDISHO, Soomaaliya - Garabka Cabdi Xaashi ee guddiga maamulaya xulista kuraasta gobolada waqooyi ayaa mar kale gudoomiye u doortey Suleyman Caydiid Cismaan, halka ay ku xigeenkana u xusheen Cabdishakuur Abiib Hayir.

Talaabadan waxay u muuqataa mid ay uga jawaabayaan coddeynta Sabtida maanta ah ka dhacdey Teendhada Afasiyooni ee xukuumada xilgaarsiinta iyo guddiga doorashooyinka heer federaal ay garwadeenka kawada ahaayeen.

Khadar Xiriir Xuseen ayaa loo xushay guddoomiyaha guddiga garabka xukuumadda, halka Najiib Xuseen Samatar uu kusoo baxay ku xigeenka kadib markii uu ka adkaadey Amaal, sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka heer federaal.

Garowe Online ayaa fahansan in Khadar uu yahay xubin ka tirsan shaqaalaha hay'adda qaxootiga qaranka. Mucaaradka waxay dalbadeen in meesha laga saaro xubintan "oo kamid ah taageereyaasha Farmaajo".

Xaashi iyo ra'iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed Khadar oo fulinaya siyaasadda maamulka waqtiga ka dhacay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isku haya doorashadda guddoonka guddigan.

Qodobka ugu culus ee dhinacyada isku hayaan ayaa kala ah; Xaashi oo doonaya in doorashada guddoonka lagu galo heshiis, iyo dhianca kale oo ka faa'iideysanaya tirada badan ee xubnaha guddiga ka haysto.

Darafka Xaashi ayaa kaliya guddiga ka ah afar xubnood. Wallow Guuleed qudhiisa uu haysto afar xubnood, haddana waxaa u wehliya saddex kale oo Rooble soo magacaabay kuwaasoo u jaranjeera dhinaca Mahdi.

Sikastaba ha ahaatee, arrintan ayaa waxay god dheer kusii rideysaa rajadii laga qabay in xal waara loo heli karo murankan kahor wadaxaajoodyadda la filayo in ay mar kale magaalada caasimada ah ee Muqdisho ku yeeshaan madaxda Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM

Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:42PM