Garsoorayaasha G\Banaadir oo eedeymo culus u jeediyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

Image
Garsoorayaasha ayaa soo jeediyay in Wasaaradda Cadaalaadu Maamusho Shaqaalaha Garsoorka,

Muqdisho, Soomaaliya - Garsoorayaasha Heerarka kala duwan ee Maxkamadaha G/Banaadir oo war-murtiyeed soo saaray ayaa si adag uga hadlay waxa ay ku tilmaameen xadgudubiyo uu ku kacay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed.

Warmurtiyeed-ka ayaa lagu yiri, “Waa in lagula Xisaabtamaa Gudoomiyaha Awoodaha iyo Amarada Sharci darada ah, looguna Xadgubay Xuquuqda iyo Xasaanadda Xubanaha Garsoorka”.

Xubnaha Maxkadmaadda Gobolka Banaadir ayaa ka codsaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu soo farageliyo isfaham waagan curyaamiyay Shaqada Maxkamadaha, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waa in Baaris Hanti-dhowr oo madaxbanaan lagu sameeyo Dakhliga iyo Qarashaadka Maxkamadaha iyo Gudashada Shaqadooda Sanadkii ugu Dambeeyey ugu yaraan.” ayaa lagu yiri bayaanka.

Garsoorayaasha ayaa sidoo kale soo jeediyay in Wasaaradda Cadaalaadu Maamusho Shaqaalaha Garsoorka, inta laga soo dhisayo Golaha Adeega Garsoorka Dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM