Garsoorka Jubaland oo la dul-dhigay amar ku saabsan xariga Janan

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn Waxaa golahu uu dood ka yeeshay xaalada amaanka deegaanada Jubbaland iyadoo golaha amniga heer Dowlad Goboleed laga dalbaday inay soo gudbiyaan habraaca Cusub ee sugida nabadgalyada taas oo ay ku shaqaynayaan Hay'adaha amaanka Jubbaland.

Sidoo kale, waxaa golahu uu ka dooday dadaalka Wasaarada Arimaha gudaha Jubbaland ay ku bixinayso sidii looso gabagabayn lahaa dhamaynta tabashooyinkii ka dhashay Doorashadii Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ee dhawaan ka dhacday Jubbaland waxaana golahu uu ku amaanay Wasaarada sida ay ilaa hada u xalisay qaybo badan oo kamid ah dadkii tabashooyinka qabay.

Waxaa kale oo golahu uu Wasaarada Dastuurka ka dhagaystay Warbixin la xiriirta hanaanka dib u eegista dastuurka qabyada ah ee JFS "kaas oo dadaalada lagu dhamaystirayo wali ay wax ka dhiman yihiin isla markana qodobada u baahan in xal siyaasadeed laga gaaro aysan ilaa hada latashi Dowlada Federaalka ah kala samaynin Jubbaland taas oo meesha ka saaraysa sax ahaanshaha dib u habaynta Dastuurka oo ah heshiis bulsho oo ay tahay in dhamaan dhinacyadu ay u dhan yihiin".

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale sheegay in dib u dhaca ku yimid Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland in uu wakhti kooban kadib qabsoomayo isla markana ay Magaalada Kismaayo soo gaarayan Marti sharafta kala duwan ee lagu marti qaaday munaasabadan.

Dhinaca kale golahu wuxuu ka hadlay afduubka Magaalada Muqdisho loogu haysto Wasiirka Amniga Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur kaas oo ahaan ahayn mid sharci ah Hay'adaha garsoorka Jubbaland ayaa la faray in ay arintaas dadaal dheeri ah ku bixiyaan sidii xal looga gaari lahaa.

Janan oo aan wali maxkamad lasoo taagin ama aan dacwad lagu soo oogin ayaa xiran tan iyo 1-da bishan, xiligaas oo laga qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM