Gedo: Askari dilay Bajaajle oo la toogtay

Image

LUUQ, Soomaaliya - Maxkamadda Milatariga Soomaaliya ee qaybta 27-aad ayaa maanta oo Isniin ah xukun dil toogasho ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah oo horay qof shacab ah ugu dilay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Askariga ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor), waxaana dhowaan lagu xukumay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Sugow Gaarane oo uu horey u dilay, kaas oo ahaa wade Mooto Bajaajle ahaa, sida ay shaacisay maxkamaddu.

Maxkamadu waxa ay intaasi ku dartay inuu dilku ka dhex dhacay gudaha saldhigga ciidamada booliiska degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Maxkamadeynta askarigan ayaa soo martay heerar kala duwan, waxaana ugu dambeyntii maxkamaddu ay ku ridday dil toogasho ah, kaas oo maanta lagu fuliyey.

Goobta lagu toogtay marxuumka oo ah barxadda toogashada ee Luuq-Ganaane ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada, ehellada marxuumka, mas’uuliyiin ka mid ah maamulka gobolka Gedo iyo kan Degmada Luuq.

Horay Maxkamadda Ciidamada ayaa toogasho ugu fulisay askar ka tirsan ciidanka dowlada, waxaaa ugu dambeeyey dilkii lagu fuliyey 22kii bishii hore December, Dable NISA Maxamed Cali Xuseen oo November 2021-kii Degmada Baladxaawo ku dilay labo wiil oo dhalinyaro ah sidoo kalena ka mid ahaa ciyaartoyda degmadaas isagoo ku dilay garoon Kubada Cagta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM