Haween tacadiyo ka tirsanaya Kulane oo cadaalad dalbadey

Garowe Online ayaan si madax-banaan u xaqiijin karin sheegashooyinka haweenkan. [Muuqaalka: Baraha Bulshada]

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaar kamid ah "dhibaneyaasha" gabood-falo "abaabulan" kala kulmay ciidamadda uu maamulka muddo xileedkiisu dhamaadey Farmaajo ku daabulay gobolka Gedo ayaa waxay bilaabeen in ay cod dheer ku hadlaan.

Tani ayaa, sida ay qeybtood sheegeen, waxay ku dhiiradeen kadib markii xilka laga qaadey Cabdullaahi Aadan Kulane, sarkaal awood badan oo gacansaar la leh madaxweynaha waqtigu ka dhacay Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Sida laga soo xigtay sheegashooda, amaro uu bixiyey Kulane ayaa tacadiyo isugu jira dhac, kufsi, barakicin qasab ah iyo jirdil loogu geystay rayid ku dhaqan magaalooyinka ay ciidamada dowladda sida xoogga uga qabsadeen gobolkaas.

Dhanka kale, dhinacyadda la eedeeyay ayaan wali iska difaacan sheegashooyinkan. Isku dayo xiriir oo lala sameeyay darafyadda lana doonayey in wax looga waydiiyo ayaan guuleysan.

Raaf aan "xisaab lahayn"

Inkasta oo si madax-banaan loo xaqiijin karin sheegashadooda, Garowe Online ayaa arkay muuqaalo laga soo duubay laba haween kuwaas oo codsanaya in ay cadaalad helaan kadib muddo "aan cabsi la hadli weynay".

Mid kamid ah haween, oo magaceeda ku sheegta Farxiyo Maxamed kuna nool Doolow, Gedo, Soomaaliya, ayaa daaha ka rogtay in magacyadda saraakiisha ku lugta leh "xadgudubyadan" oo ay doonayaan in sharciga la mariyo.

"Inta jeer ee habeen madow guriyaheena nagala saarey lama soo koobi karo. Waxaa jiro gabdhaha xataa la kufsadey.  Askartaas tirada badan ninka wadday wuxuu xiriir la sameynaayey taliyaha xasilinta gobolka [Gedo], Bakaal Kooke isagana waxaa telefoonka kasii hagagey ninka hadda xilka laga qaadey ee Kulane-Jiis. Ra'iisul wasaaraha waxaan ka rabnaa ninkaas uu xilka ka qaadey in uu sharciga noosoo istaajiyo," ayay tiri.

Bishii September, 2019-kii, madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka dhawaajiyey in ay maxkamadda ICC u gudbinayaan dacwad ka dhan ah Farmaajo "sababo ku aadan jariimooyinka uu kula kacay shacabka Jubaland".

Hardanka 16-ka kursi ee Gedo

Dhamaadkii 2019-kii ayuu maamulka Farmaajo bilaabay in uu ciidamo ku daabulo gobolkadda Gedo. Qorshaha waxaa la sheegay in uu ahaa in uu ka madax-banaaneeyo Jubaland oo ay ku fashilmeen in ay isbedel ka sameeyaan.

Askartaas dowlada Turkiga u tababartay la dagaalanka Al-Shabaab ayaa mucaaradku sheegay in la isku dayay in lagu boobo 16-ka kuraas ee taala gobolkaas si ay Farmaajo dib loogu doorto. Balse, waa riyo u muuqata in aysan rumoobin.

Hooyo kale oo muuqaalka kasoo muuqatay waxay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ka codsanaysaa in uu si deg-deg ah talaabo uga qaado Kulane iyo shaqsiyaadka kale ee ku heliyey "dhibaatooyinka ee shacabka lagula kacay".

Iyadda oo ay muuqato in la xaliyey ama isu-soo-dhowaanshiyo ka jirto is-mari-waaga siyaasadeed ee gobolka Gedo kaasoo daahiyey doorashooyinka, Rooble waxaa hortaala u cadaalad falida rayidka lagu dulmiyey magaca dowladda dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Golaha Xukuummadda ee SSC-Khaatumo

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa isbedelkan sameeyay.

  • Soomaliya

    13-05-2024

  • 07:55AM

Xasan Sheekh oo shaaciyay in Soomaaliya ay dhowaan lasoo baxeyso Gaas

Madaxweynaha ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    13-05-2024

  • 05:26AM