Geelle oo isu soo sharaxay xilka madaxweynaha Soomaaliya

Image

JOHANNESBURG, South Africa – Isagoo magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika kula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed, Daahir Maxamuud Geelle ayaa ku dhawaaqay in uu damac uga jiro xilka madaxweynaha dalka.

Geelle oo taageero waydiistay muwaadiniinta ayaa tilmaamay in uu isku arko "shaqsiga dalka ka samata bixin kara xaalada uu haatan ku jiro".

"Waan ogahay in aadan ahayn Xildhibaano, balse waxaan [dareen-sanahay] in aad tihiin tayo Soomaaliyeed oo dibadda ku nool," ayuu raaciyey hadalkiisa.

Siyaasigan ayaa ku biiraya dhowr kale oo mar sii horeysay shaaciyey in ay doonayaa qabashada xilka ugu sareeya Soomaaliya.

Doorashadda qorshuhu yahay in ay waddanka ka dhacdo 2020-21 ayaanan wali lagu heshiin qaabka ay noqoneyso.

Daahir ayaa soo noqday Wasiirka Warfaafinta iyo Danjiraha Soomaaliya u joogay Boqortooyadda Sacuudi Carabiya.

Bishii Maaj 1-deeda 2019, Geelle ayaa iska casilay jagada Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda uu hogaamiyo ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Dhowr munaasabado oo uu ka hadlay, murashaxa wuxuu ka sheegay in uu xafiiska uga tegay "kala aragti duwanaanshiyo ku saabsan siyaasadda dowladda ee ku wajahan maamul goboleedyadda, warbaahinta iyo mucaaradka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo sugeysa dagaal kaga yimaada Ciidamada Dowladda Soomaaliya

Taariikh ahaan, dhacdooyinka noocan ah waa kuwo horey u dhacey, oo sal u ah khilaafyada…

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 08:34PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM