Geelle oo ka dagay Muqdisho xilli "bandow" la geliyey caasimada

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha Jabuuti ayaa la filayaa in uu xariga ka jaray Akadeemiyad goboleedka Afka Soomaaliga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa kasoo dagay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho halkaasoo uu kusoo dhaweeyay dhigiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Mas'uuliyiin kale oo ay ku jiraan Ra'iisul Wasaare Xamse Barre, ku xigeenkiisa Saalax Jaamac, madaxda maamuladda iyo xubno kamid ah labada gole ee dowladda ayaa ka qeybgalay soo dhaweynta.

Ammaanka Muqdisho ayaa Arbacada maanta ah aad loo adkeeyay. Waddooyinka qaar ee caasimada Soomaaliya ayaa la xiray. Talaabadan ayaa saameysay goobaha ganacsiga iyo waxbarashadda.

"Meelaha qaar gaar ahaan waddooyinka nawaaxiga Madaxtooyadda iyo garoonka diyaaradaha xataa waxaa la diidey in shacabka lugta ku maraan, waa xaalad bandow ah," ayuu yiri Cabdullaahi Cali, oo qof shacab ah.

Hay'adda Duulista Hawada ayaa sidoo kale waxay shaacisay in la hakiyey dhaqdhaqaaqa garoonka iyo duulimaadyadda madaarka sababo ku aadan soo dhaweynta wafdiga Geelle.

Geelle ayaa lagu waddaa in maalmaha uu joogo Muqdisho uu xariga ka jaro mashaariic ay Jabuuti ka hirgelisay magaalada Muqdisho kuwaasoo la dhagax-dhigay sanadka markii uu ahaa 2015-kii.

Mashaariicdaas waxaa kamid ah dhismaha xarunta Akadeemiyadda Afka Soomaaliga. Daahfurkan ayaa waxaa lagu soo beegmay 50-sano guuradda kasoo wareegatay cilaaqaadka dhow ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Booqashadda Geelle ayaa sidoo kale waxay kusoo hagaagtey xilli Muqdisho shir uga socdo madaxda dowlada federaalka iyo maamuladda. Warar ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya ay ku talogalay isugu soo beegtay.

Lama ogga ujeedada ay Madaxtooyadda ka leedahay isku-soo-beegida socdaalka Geelle iyo wadahadaladda. Dadka qaar ayaa aaminsan in Xasan Sheekh doonayo in madaxweynaha Jabuuti uu cadaadis saaro maamulada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM