Geelle: Saddexda arrin ayaa muhiim ah xilliga soo socda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kuma baraarugsana in diidmadiisa in uu xilka si nabad ah u wareejiyo ay hoos u dhigeyso kalsoonida caalamka ku qabi karo Soomaaliya, sidda uu ku eedeeyay Daahir Maxamuud Geelle.

Musharax madaxweyne ahna hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Dan Qaran oo u waramay telefishinka maxaliga ah ee Goobjoog ayaa sheegay in Farmaajo uu kaliya iska dhex-fadhiyo Villa Soomaaliya kuna joogin sharciyad.

Geelle oo kamid ah Midowga Musharaxiinta ayaa wuxuu intaas ku daray in Farmaajo ay "isaga kala qaldan tahay in la doortey ama la duubay".

"Madaxweynaha xilka waa uu ka dhamaadey mana la cusbooneysiinin. Xilkana hadii uu dhamaado hadii lasii joogi karo oo isku awood la yahay in la is doorto muhiim maba ahayn. Waxaa iska dhex-gashan oo iska dhex-gashay in la doortey iyo in la duubay. Soomaalida dhaqanka markay duubato muddo uma qabato laakiin laakiin dowlad markay doorato muddo ayay u qabataa. Labadaa ayaa isku qaldan midaas ayayna dowladdeena dhexda ka fadhisaa," ayuu yiri.

Xalka kaliya ee looga gudbi karo hubanti la’aanta dhanka doorashooyinka ayuu ku qeexay "in lagu deg-deg loo aado doorashooyin raali lagu wada-yahay".

"Saddexda arrimood ayaa muhiim ah xilliga soo socda. Shirka yaa ka qeybgalaya? Waa muhiim. Maxay tahay in ay kasoo baxaan? Waa muhiim. Wixii kasoo baxa yaa fulinaya? Waa muhiim," ayuu hoosta ka xariiqay siyaasiga.

Isaga oo ka jawaabay su’aallahan uu is-waydiiyey, ka qeybgaleyaasha ayuu xusay in saamileyda kamid noqdaan, natiijadda ayuu caddeeyay in ay kamid tahay jadwad cad iyo in dhaqan-gelinta mas'uuliyad wadareed noqoto.

Dhanka kale, musharax Geelle ayaa carabka ku dhuftay in Farmaajo uu shirka 15-ka Febraayo ugu asteeyay magaala madaxda Garowe "si uu isaga horkeeno Puntland iyo Galmudug, una diidey in Muqdisho lagu shiro "si uu uga fogaado saameynta Beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta kasoo horjeedda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

James Swan oo mar kale loo magacaabay ergayga UN-ka ee Soomaaliya

Mr Swan ayaa badalaya Catriona Laing oo ay dhowaan cabasho uu ka gudbiyey maamulka Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 01:21AM

Jawiga uu maanta ku furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka kulankan isha lagu hayo.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 03:59PM