Giriiga oo qabtay tobanaan muhaajiriin Soomaali ah

Image

ANKARA, Turkey – Hal qof oo dumar ah ayaa Jimacada asbuucii hore qaraqmay laba kalena waa lasoo badbaadiyey markii ay kaga dhaceen doontii ay saarnaayeen afaafka Jaziirada Lesbos ee Giriiga, sida ay warisay saxaafadda.

Sidda laga soo xigtay mareega Infomigrants.net, baddi muhaajiriinta la socday doontaas oo wadartooda ay dhan-tahay 24 shaqsi isuguna jira rag iyo haween ayaa u sheegay mas'uuliyiinta Greece in ay kasoo jeedaan Soomaaliya.

Muhaajiriinta, sidda ku cad warbixinta boggan afka dheer, waxay kaloo la wadaageen mas'uuliyiinta in ay soo qaadey dooni laga leeyahay Turkiga. Xukuumada Giriiga waxay xustey in ay ku raadjoogto muqalasiinta doontan.

"Markii ay soo gaareen Lesbos, muhaajiriinta waxay sheegeen in ay kasoo dhaceen saddex haween ah. Ciidamadda ilaalada xeebaha waxay kadib qaateen diyaarad helicopter ah. Kadib saacado ay baadigoobayeen, waxay nolol kusoo heleen laba kamid ah iyo meydka ruuxa saddexaad," ayuu daabacay boggan.

Dhacdooyin hore

Jasiiradda Giriigga ee Lesbos ayaa ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee ay ka soo galaan muhaajiriinta ku sugan xadka koonfur-bari ee qaaradda Yurub. Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee loo garan-og-yahay UNHCR ayaa walaac qoto dheer ka muujisay marinkan.

Badi in ka badan 15,000 oo muhaajiriin ah oo si aan caadi ahayn ku galay Giriigga sanadkan ayaa ka soo gudbay Turkiga una talaabay jasiiradaha Griiga. Masaafada udhaxeysa xeebta Turkiga iyo jasiiradaha sida Lesbos waa dhowr kiiloomitir.

Si kastaba ha noqotee, marinkan waa khatar. Qaar badan oo ka mid ah doomaha dadka tahriibiya ay isticmaalaan ayaa ah kuwo aan u cuntami karin isla markaana rogmada inta lagu guda jiro socdaalka, dabeylo xoog leh ama ciriiri badan awgeed.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxaa jiray dhowr dhacdo oo muhaajiriinta ay naftooda ku waayeen iyagoo isku dayaya in badda ay ka galaan Giriiga.

Horraantii bishii December, laba gabdhood 20 jir ah oo tahriibayaal ah kana yimid Soomaaliya ayaa ku qaraqmay Lesbos kadib markii ay degtay doon ay la socdeen oo sidday in ka badan 30 qof.

9-kii November, meydka wiil lix sano jir ah ayaa laga helay jasiiradda Samos kadib markii ay degtay dooni. Todobo qof ayaa nolol lagu soo helay.

Bishii September, ugu yaraan saddex qof ayaa ku qaraqmay halka 56 kalena la badbaadiyey ka gedaal markii ay qalibmatay doon ay la socdeen tahriibayaal badan kadib dabaylo culus oo ku helay iyaga oo maraya jasiiradda Crete.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:26AM

Wadamada Islaamka oo ka dhiidhiyey xadgudubyada ka dhanka ah Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka qeybgalay shirka lagu cambaareeyay Itoobiya.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:16AM