Go'aan laga gaarey murankii kursiga Mahdi Guuleed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudiga Xalinta Khilaafka doorashadda ayaa go''aan ka gaarey Maanta kursi kamid ah kuraasta Somaliland, ee Gollaha Shacabka kaasoo doorashadiisa muran ka taagnaa, kadib markii Beeshii ku fadhisay laga wareejiyay.

Kusrigan oo kamid ah labo kursi oo lagu doortay Afisyooni 1-dii bishan, ayaa waxaa kusoo baxay Mahdi Guuleed Khadar, oo saameyn badan ku leh hanaanka doorashadda kuraasta Somaliland.

Xuseen Carab Ciise, oo horey ugu fadhiyay kursiga oo ku matalayay jufada Baha-deeqsi, ayaa laga reebay tartanka, waxaana Kursigan oo sumadiisu tahay Hope239 la siiyay Jufada Mahadi Guuleed Dhamal Aadan.

No photo description available.No photo description available.No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM