Go'aanka DF ee banaanbaxa oo si weyn loo naqdiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Go'aanka Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay Arbacadda maanta ah kasoo saartey isu-soo-baxyadda ayaa la kulmay diidmo xooggan oo ka yimid qaar kamid ah xubnaha mucaaradka.

Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasabad ka dhacdey Muqdisho, ayaa si dadban wuxuu u sheegay in dibadbaxyada aysan baajin doonin go'aanka dowladda.

"Waa la tagaa Daljirka Dahsoon, cid hor istaagi karta ma lahan, annagaa idinka horeyna, kuwaan awalba run loogama baran, cidna u joojin meyso, taariikhda 19-ka February yaan lagaaga sheekeyn," ayuu yiri.

Senator Ilyaas Cali Xasan oo ah mudane ka tirsan Aqalka Sarre iyo xubin ka tirsan xisbiga Himilo Qaran, ayaa su'aal ka keenay sababta dowladda ay xayiraada ula beegsatay mudaaharaadka Jimcaha.

"Dowladii Banaanbaxyada iyadu qabaneysey Mudada Sanadka ah ee Coronavirus ku jirey ayaa rabta in ay maanta naga dhaadhicso Coronavirus jiree lama mudaaharaadi karo! Balanteena Waa Daljirka-Dahson," ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Facebook.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka, ayaa ku eedeeyay Farmaajo in uu siyaasadeynayo ka hortagga safmareenka Coronavirus.

"COVID-19 waxaa ka daran, kana sii xun COVID-17 ka Farmaajo ee xambaarsan fikirka Kaligii Taliyaha iyo Kursi Jacaylka ah!," ayuu sharci-dejiyaha kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Facebook.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey wax ay ugu yeertay awaamiir lagu xakameynayo Coronavirus kana mid tahay mamnuucida isu-imaatinka, talaabo dad dadban oo lagu beegsanayo mudaaharaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM