Go’aanka Golaha Wasiirada XFS ee xiritaanka Qunsuliyadaha Itoobiya ma dhaqan gali karaa?

Image
Golaha Wasiirada ayaa soo saaray qaraar in la xiro Qunsuliyadaha Itoobiya ee Somaliland iyo Puntland.

Muqdisho, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa ayaa qaaday tallaabo ka dhan ah Itoobiya.

Golaha Wasiirada ayaa soo saaray qaraar in muddo abduuc ah lagu xiro Qunsuliyadaha Itoobiya ee Somaliland iyo Puntland, isla markaana dalka laga celiyo Safiirka Itoobiya si uu la tashi ula yeesho xukuumadiisa, ka dib heshiis ay Itoobiya dhawaan la geshay dowladda Puntland.

Go’aankan ayaa waxaa daba socday muran ku saabsan suurtagalnimada dhaqangelintiisa, maadaama labada maamul ay dhaqmayaan sida dowlad madaxbaanaan, iyaga oo xuskanaya Dastuurka u degsan.

Inkastoo xiriirka dibadda uu yahay mid ka mid ah shaqooyinka dowladda federaalka, haddana go’aanka Puntland ee kalsoonida loogala laabtay ayaa awood u siinaysa inay qaadato doorkaas.

Sidaa darteed, waxaa la rumeysan yahay in labada dhinac (Itoobiya & Maamulada) aysan midkoodna u hoggaansami doonin go’aanka ay soo saartay dowladda Federaalka, kaasoo sida ay qabaan dadka siyaasadda u dhuun daloola aan lagu saleyn waaqica jira.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Shaqaalaha garoonka Aden Adde oo shaqo joojin sameeyay kadib shaqo ka eryid

Mudaharaadayaashu waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay faragelin ku sameyso khilaafka.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo Macawiisleyda uga tagtay jiida dagaalka AS ee Bartamaha Soomaaliya 

Mid kasta oo ka mid ah dagaalyahannada Macawiisleyda ayaa dowladda ka ballanqaadday mushahar bille ah oo gaaraya $100 doolar.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 09:07AM