Go'aanka Puntland ee shirka Farmaajo shaaciyey oo la taageeray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharaxiinta madaxtinimada waddanka Soomaaliya ayaa ka falceliyey kulankii uu iclaamiyey madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo.

Farmaajo oo xusay in shirka uu Garowe ka bilaaban doono 15-ka Febraayo, 2021, ayaa xusay in xal loogu guubayo is-mari-waaga coddeynta.

Hasa ahaatee, dowladda Puntland oo tibaaxdey in aan lagala talogelin qabsoomida shirkaas ayaa ku talisay in shirka ka dhaco caasimadda Muqdisho kana qeybgalaan dhamaan saamileyda iyo Beesha Caalamka.

Puntland ayaa cuskatay in uu dhamaadey muddo xileedka hay'addaha dowladda federaalka ah oo uu kamid yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdikariin Xuseen Guuleed, madaxweynihii hore ee Galmudug oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa taageero u muujiyey shirka ay soo jeedisay dowladda Puntland in lagu qabto Garowe.

"Waxaan soo dhaweynaynaa in shirka wadatashiga Qaran lagu qabto magaalada Muqdisho, ayna ka soo qeyb galaan dhamaan Samileyda Siyaasadeed ee dalka iyo Beesha caalamka. Shirkana uu diiradda saaro buuxinta firaaqa dastuuriga ah ee uu dalku galay waxii ka danbeeyay 8dii February iyo qabsoomidda doorasho isla ogol ah loona dhanyahay," ayuu hoosta ka xariiqay Mr Guuleed.

Dhanka kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa ku eedeeyay Farmaajo in uu shirka ugu wareejiyay Garowe "si uu isaga horkeeno maamuladda Puntland iyo Galmudug.

"Shirka uu Madaxweynihii hore Farmaajo soo tuuray, koox ka mid ah beesha caalamkana la wadaan wuxuu ku doonayaa:- 1- In uu ku moodo Shirka maanta Golaha Amaanka ee Soomaaliya looga hadlayo. 2- In uu Galmudug iyo Puntland iska hor keeno 3- In uu tusiyo in uu weli madaxweyne yahay," ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: "Waxaanse rajaynayaa in Puntland ay fahmi karto fitnada Farmaajo, diktatoor dhacayna fursad siin doonin".

Beesha Caalamka ayaa todobaadkii hore waxay diidey dalab ka yimid Musharaxiinta oo ahaa in la sameeyo gole heer qaran oo ku meelgaar ah isla markaana ay dhameystiraan heshiiskii 17-ka bisha September, 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM