Go’aan laga gaarayo dalab kale oo ay Kenya ka gudbisay kiiska badda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa kulan degdeg ah waxay isugu yeertay Soomaaliya iyo Kenya, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin ka kala tirsan labadda dhinac.

Is-aragaasi ayaa waxaa looga tashan doonaa arrimo ku saabsan gal-dacwadeedka badda ee taagan tan iyo bishii August ee 2014-kii.

Fadhigan gaarka ah ayaa yimid kadib markii ay Nairobi gudbisay codsi kale oo ku aadan in kiiska dib loo dhigo illaa iyo September 2020-ka.

Muqdisho oo kasoo horjeesatay dalabkaasi ayaa waxay ku adkeystay in dhageysigu qabsoomo xiliga la qorsheeyay, 4-ta November 2019.

Iyadda ay u muuqata in dacwaddu gaartay mar-xalad xasaasi ah, xeer-beegtada UN-ka ayaa go’aan kasoo saareysa goorta galkan fureyso kadib wada hadalo ay la yeelato labadda dhinac.

Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] iyo Garyaqaanka guud ee Kenya, Kennedy Ogeto ayaa ku sugan The Hague si ay u cadeeyaan mowqifka dalalkooda ee kiiska.

"Maxkamadda ayaa maalmo gudahooda waxay go’aan kaga gaari doontaa doodada labadda dhinac," ayay yiraahdeen illo wareedyadda oo magacyadooda ka gaabsaday.

Kulanka degdeg ah ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadda oo dhowaan ay magaaladda New York ku kulmeen madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Uhuru Kenyatta.

Labadda hogaamiye oo aan is-afgarad ka gaarin kiiska badda ayaa isku raacay in ay dib u soo celiyaan xiriirka diblumaasiyadeed ee labadda dal, iyaga oo sameeyay Guddi Farsamo oo ka shaqeynaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM