Go’aankii lagu eryay Guddiga Maaliyada oo khilaaf culus abuurey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Lataliyaha gaarka ah ee Afhayeenka Gollaha Shacabka ee Baarlaamanka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur, oo umuuqda mid ujawaabaya wasiirka ciyaaraha Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhuftay hadal kasoo yeeray.

Hadalka wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyaradda Soomaaliya, Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa ahaa in Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, Gudoomiyaha Aqalka Hoose aanu waxba ka bedali karin go’aankii lagu kala diray Guddiga maaliyada.

Talaabadani oo uu qaaday ku xigeenka koowaad ee Wakiilada Rayidka, ayaa dood xasaasi ah abuurtay, taasi haatan mareysay meel sare, xili ay muuqato inay soo if-baxayso kala qayb-sanaan wayn oo uu abuuray.

Mudanayaal ka tirsan Gollaha oo ka hadlay waxay ku tilmameen sharci darro, halka wasiir Khadiija ay difaacday, taasi oo kordhisay shaki laga qabay inay wax ka ogtahay xukuumada talaabada uu qaaday Muudey.

Nuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga wuxuu si cad uga soo horjeestay talaabada Muudey, isaga oo ku sifeeyay mid gabi ahaanba baalmarsan xeer-hoosaadka Gollaha.

Agaasime ku xigeenkii hore ee Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya [NISA] ayaa carabka ku dhuftay in kaliya Gollaha uu leeyahay awood lagu kala diri karo Guddi hoosaadka Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

“Gudoomiyaha golaha shacabka BJF wuxuu waajib ka saaranyahay ilaalinta xeer-hoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka. Dooda ka dhalatey kala diridda Guddiga Maaliyadda ma waafaqsana Xeer Hoosaadka golaha, maadaama golaha xilka u dhiibtey isla golaha ayaa awood u leh kala diristiisa,” ayuu yiri.

Tani ayaa xoojineysa kala qayb-sanaan wayn oo uu abuuray go’aankii lagu kala diray Guddiga Maaliyadda Aqalka Hoose, taasi oo ay haatan muuqato in xiisadiisa hadaanan la qaboojin ay saameyn karto xukuumadda Khayre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM