Gobolka Banaadir oo loo ansixiyey in uu 13 xubin ku yeesho Aqalka Sarre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Shacabka ayaa "ansixiyey" in gobolka Banaadir uu 13 xubnood ku yeesho Aqalka Sarre. 142 xildhibaan ayaa ogol ku codaysay, 4 mudane ayaana diiday, ma jirto cid ka aamustay.

Xilli kulanka uu dib uga dhacay in uu furmo waqtigiisii saxda ahaa sabab ku aadan kooram la'aan, guddoonka Golaha Shacabka ayaa natiijadaas ku dhawaaqay kadib coddeyn gacan-taag ah.

Kulanka lagu meelmariyey hindisahaan oo kamid ah afar xeer doorasho oo khilaaf uu ka taagan yahay waxaa hareeyay buuq ay sameeyeen qaar kamid ah mudaneyaasha oo diidan in loo coddeeyo xeerka.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in Xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland ay dibadda ka joogeen fadhigii maanta ee Aqalka Hoose.

Xildhibaanadda banaanka ka joogay kulanka ayaa shaaca ka dhigay in uusan dhameyn kooramka isla markaana lagu meelmariyey xeerka metelaada gobolka Banaadir xubno Xildhibaan oo aan tir-saneyn.

Dooda la xiriirta metelaada gobolka Banaadir ayaa taagneyd muddooyinkii lasoo dhaafay, iyaddoo mudaneyaasha kasoo horjeeda ay cuskanayeen in qaabka lagu raadinayo ay tahay mid aan dastuuri ahayn.

Villa Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay gedaal ka riixeyso qorshahaas oo la fahansan yahay in uu qayb ka yahay ololaha coddeynta aan wali lagu heshiin ee loo qorsheeyay in ay dalka ka dhacdo 2020-21.

Madaxda maamulada ayaa horey u codsaday in la joojiyo dooda la xiriirta afar xeer doorasho ee kala ah; Asteynta kuraasta xeer-dejinta, metelaada gobolka Banaadir, gobolada waqooyi iyo qoondadada haweenka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM

Xamse: Saaxiibkay Laftagareen ma uusan rabin in taariikhdiisu ku dhammaato sida hadda dhacday

Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid muujinaya cadaadiska ka jira nidaamka federaalka ee jilicsan.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:20PM