Jubaland oo oo horkacaysa natiijada Imtixaanka Shahaadiga Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaarada Waxbarashada dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Axada maanta ah faafisay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga sanad-dugsiyeedka 2019-2020 xili gobolka Gedo uu horkacayo max-suulka.

Afarta kaalin ee ugu horeysay waxaa xoreystay afar dugsi oo ku yaala gobolkaas ay xooga kula wareegtay xukuumadda waqtiga kasii dhamaanayo. Si kale hadii loo dhigo, Jubaland waxay heshay shanta maalin ee ugu horeysay.

Hal dugsi oo ku yaala gobolka Jubada Hoose ayaa galay kaalinta shanaad. Tani macnaheedu waxay tahay in maamulkii xiisada siyaasadeed kala dhaxeysay Villa Soomaaliya uu ku guuleystay Imtixaanadii Fasalada 12aad ee dalka.

Imtixaankaan ay galeen in ka badan 34-kun oo arday ah ayay wasaaradda tacliinta federaalka ka qaadey Koonfur Galbeed, Jubaland, HirShabelle, Galmudug iyo gobolka Banaadir. Dowlada Puntland waa ay qaadacdey hanaankan.

Si lamid ah, dugsiyadda gobolka Banaadir oo ay ku tiilay caasimada dalka ee Muqdisho ayaan kasoo muuqan tobban ugu horeeya.

Arday lagu magacaabo Sayid Cumar Cabdiraxmaan Colaad ayaa galay kaalinta koowaad ee Imtixaanka, isagoo labintaas ku hantay natiijo dhan 92%.

"Tirada rasmiyan Imtixaanka sanadkaan u fadhiisatay waa 33,727 waxaa gudubtay 25,177, halka ay dhaceen 8,550 kuwaasoo ka kooban 5,231 oo wiilal ah iyo 3,319 gabdho ah," ayaa lagu yiri warbixinta Wasaarada Tacliinta.

Gobolka Gedo ayaa xudun u noqdey is-mari-waaga Villa Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe kadib doorashadii August, 2019 ka dhacdey magaalada dekada leh ee Kismaayo, taasoo dowlada Farmaajo isku dayday in ay farageliso.

Isagoo maanta la hadlayey Aqalka Sare, madaxweyne Axmed Madoobe oo ku sugan Muqdisho ayaa rajeeyay in mudada uu magaala madaxda joogo xal waara loo heli doono arrimaha cakiran ee ka jira Gedo, dibna u hantaan maamulkiisa.

Warqada tobbanka dugsi

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM