Gobolka Hiiraan oo looga dhawaaqay kacdoon cusub ee ka dhan ah AS

Image

MOQOKORI, Soomaaliya - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle Yuusuf Dabageed ayaa gaaray magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan isaga oo doonaya inuu abaabulo ciidamada deegaanka si ay uga qeyb qaataan dagaalada ka dhanka ah AS.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyey Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe oo ka tirsan baarlamaanka federaalka, waxaana si weyn u soo dhaweeyey shacabka deegaanka.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa khudbad u jeediyay shacabka ku dhaqan magaalada, isagoo sheegay inay ka adkaan doonaan kooxaha argagixisada ah.

Dhanka kale Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa sheegay in ay xoreyn doonaan deegaanada gobolka Galgaduud, waxa uuna sidoo kale ku booriyay dadka deegaanka in ay ka qeyb qaataan dagaalkaas.

kacdoonkan oo markii 2-aad ka qarxay gobolka Hiiraan ayaa noqonaya kii labaad oo ay sameeyaan beelaha ku dhaqan Hiiraan si ay ula dagaalamaan AS, kacdoonkii 1-aad ayaana horseeday xoreynta dhamaan degmooyinka gobolka Hiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM