Golaha Amaanka ee QM oo Israa’iil iyo XMS ugu baaqay inay gaaraan heshiis xabbad joojin ah

Image
Qaraarka ayaa waxaa taageeray 14 xubnood halka uu Maraykanka ka aamusay.

Qasa (GO) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraarkiisii ​​ugu horreeyay oo ku baaqaya xabad joojin degdeg ah oo ka dhacda Gaza, Ka dib in ka badan shan bilood oo dagaal ah.

Maraykanka ayaa ka aamusay codbixinta ka dib markii uu hor istaagay isku dayo hore oo lagu doonayay in lagu soo saaro qaraarka, isagoo adeegsanaya diidmada qayaxan.

Qaraarka, oo ay taageereen 14 xubnood, Maraykankana uu ka aamusay wuxuu dalbanayaa xabbad-joojin degdeg ah inta lagu jiro bisha Ramadaan, iyo in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan Maxaabiista.

Maraykanka ayaa adeegsan diidmada qayaxan, taasoo qaraarkan ka dhigaysa go’aankii ugu horreeyay ee xabbad-joojin ah oo Goluhu meel mariyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM