Golaha Ammaanka oo mar kale ka shiraya xaalka Soomaaliya

Image

NEW YORK, USA - Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa maalinta berri oo Isniin ah wuxuu shir gaar ah ka yeelanayaa xaaladda Soomaaliya, sidda ay illo diblumaasiyadeed u xaqiijiyeen Garowe Online.

Sidda ay xoguhu caddeynayaan, fadhigaas gaar ah waxaa warbixin ka jeedin doona ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliye, Amb James Swan.

Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Francisco Madeira, iyo Agaasimaha Midowga Yurub ee arrimaha Afrika, Rita Laranjinha, ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in kulankaas ay ka hadlaan.

"Shirkaan oo ku qabsoomaya aaladda fogaan aragga ah waxaa la rajeynayaa in lagu lafa-guro arrimaha Soomaaliya gaar ahaan is-mari-waaga doorashooyinka iyo xasaradihii dhacay todobaadyadii u dambeeyay," ayay sheegeen illo wareedyadda.

Mr Swan ayaa la filayaa in uu hadal-jeedintiisa kusoo bandhigo qodobadda xudunta u ah khilaafka, caqabadaha soo wajahay dedaaladda Beesha Caalamka iyo mowqifka ay diblumaasiyiinta ka taagan yihiin.

Waa markii labaad oo bishaan gudaheeda uu Golaha Ammaanka Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ka shiro arrimaha Soomaaliya taas oo muujineysa in qadiyadda coddeynta heer federaal ay caalamka qabsatay.

9-kii bishaan Febraayo ayay ahayd markii u dambeysay uu golahaan ugu awooda badan caalamka ka shiray xaalka Soomaaliya uguna baaqay hogaanka Soomaalida in ay ka tanaasulaan danta gaarka una turaan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM